Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir ka socda Jarmalka oo balan-qaad cusub oo gaarsiiyey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
351948255_1270378186950948_4443406859202

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiru dowlaha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dowladda Jarmalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan oo ay siiyaan Soomaaliya, sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loogu sameeyey Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso dowladda Soomaaliya, isla markaana xiriir qoto dheer ay  wadaagan labada dowladood.

wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka ayaa balan qaaday in Jarmalku uu sii wadi doono tageerada ay gacanta uga geysanayaan dib u dhiska iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, markii laga soot ago deeqaha iyo kabka miisaaniyadda dowladda, Jarmalku wuxuu ka qeyb qaataa tababarrada la siiyo ciidamada booliska Soomaaliya.

351151881_651046559684625_34446132969992 351726096_1641463429598599_2460475010279 351898740_636715731838322_45385261391608 351948255_1270378186950948_4443406859202 352055621_711599374054121_89776610140718 xamse-xamsa.jpg?resize=696%2C474&ssl=1

The post Sawirro: Wasiir ka socda Jarmalka oo balan-qaad cusub oo gaarsiiyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this