Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Qeybgalay Caleema-saarka Erdogan

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this