Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoys ku nool Boosaaso oo lagu sameeyay tacaddi ka baxsan banii’aadanimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuqaal saacadihii u danbeeyay ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya koox tacaddi ka baxsan banii’aadanimada ku samaynaya qoys Soomaaliyeed oo sida la xaqiijinayo ku nool magaalada Boosaaso.

Kooxda ayaa xilli habeen ah gurigooda ugu daatay qoyskan danyarta ah oo hurday islamarkaana wiil yar oo u muuqda mid aan qaan-gaarin cag madaxa ka saaraya waxaana ay qoyska ugu hanjabayaan in ay nolosha ku gubi doonaan.

Muuqaalka ayaa laga arkaya kooxda oo si adag u handadaya hooyada iyo aabbaha qoyska uguna hanjabaya in ay dhammaantood gubi doonaan haddii aysan cayda joojin gabar ay dhaleen oo qurbaha ku sugan.

Laamaha amniga Puntland weli kama hadlin dhacdadan waxaase noo xaqiijiyay in ay jirto dad kala duwan oo lagu kalsoon yahay warkooda oo qaarkood ku sugan yihiin Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Qoys ku nool Boosaaso oo lagu sameeyay tacaddi ka baxsan banii’aadanimada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this