Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay caleema saarka Erdogan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
351187708_3585687628381795_1054626609805

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Turkiga ayaa ka qayb-qalay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas, Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas.

Sidoo kale waxa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale  ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan.

Waxaa kale oo uu u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah ula sameeyay Erdogan ayaa la yeeshay wada-hadal gaar ah, kadib guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi.

Labada madaxweyne ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalka Turkiga.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo ah, waxayna xukuumadda Ankara ay si gaar ah door weyn uga qaadataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka.

351135343_795078285657633_89154926039843

351139300_257822560130255_85128212414332ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: Turkish President Recep Tayyip Erdogan gives a speech during his inauguration ceremony at the Presidential Complex in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Murat Kula – Anadolu Agency ) 351154123_156144900666439_56533219931305Cumhurbaşkanı Recep Tayyip Erdoğan’ın, Cumhurbaşkanlığı Külliyesi’nde düzenlenen “Göreve Başlama Töreni”nine iştirak eden katılımcıları Dışişleri Bakanı Mevlüt Çavuşoğlu karşıladı. ( Emin Sansar – Anadolu Ajansı )

351187708_3585687628381795_1054626609805

351324129_154442550948944_89735366541174ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: A general view of guests as they attend a dinner at Cankaya Mansion after the inauguration ceremony of the Turkish President Recep Tayyip Erdogan in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Mustafa Kamacı – Anadolu Agency )The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay caleema saarka Erdogan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this