Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed ka dhacay bariga Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Iska hor imaadyo hubaysan ayaa Sabtidii laba beelood ku dhexmaray bariga Gobolka Mudug.

Labada beelood ayaa ku dagaallamay dhulka ku magac dheer Golol gaar ahaanna miyiga u dhexeeya Towfiiq iyo Af-Barwaaqo.

Ugu yaraan 7 ruux oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijinayaa in ay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay halka ay jiraan dhaawacyo kala duwan.

Xaaladda dhulkii lagu dagaallamay ayaa saaka deggan inkastoo aysan ilaa iyo hadda muuqan cid kala dhex gashay dhinacyada dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed ka dhacay bariga Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this