Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxaha hubaysan ee isticmaala maandooriyaha Khamriga oo khatar amni ku haya Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka hubaysan ee isticmaalaya maandooriyaha khamriga ayaa sida la soo werinayo xilliyada habeenkii ah khatar amni ku haya shacabka magaalada Garoowe.

Xaafadaha kala duwan ee Garoowe ayaa laga soo sheegaya kooxo hubaysan oo habeenkii khamriga ku cabba laamiyada islamarkaana ridaya rasaas aan loo meel deyin.

Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in marar qaarkood kooxahan iyo laamaha amniga ay isku dhacyo hubaysan oo khasaare sababa ku dhex maraan xaafadaha Garoowe.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo waxgaradka magaalada midna weli kama hadlin dhacdooyinkan halista ah ee ku soo noq-noqanaya caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Kooxaha hubaysan ee isticmaala maandooriyaha Khamriga oo khatar amni ku haya Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this