Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo maanta ansixiyay natiijadii doorashooyinka qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1685799177835.jpg?resize=720%2C48

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland.

Guddiga ayaa shaaciyay natiijada iyo liiska xildhibaanada golayaasha degaanka degmooyinka doorashada qof iyo codka ah ee Puntland ku soo baxay.

Natiijada la shaciyey ayaa muujineysa in ay codeeyeen dad gaaraya kaliya 177,445 kun oo qof marka loo eego 385,000 qof la sheegey iney is-diwaan galiyeen.

Sida ka muuqatay liiska uu guddigu soo bandhigay, ururada Kaah, Mideeye iyo Sincad, ayaa noqday saddex urur ee ugu codadka badan ama ugu kuraasta badan.

FB_IMG_1685799161968.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo maanta ansixiyay natiijadii doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this