Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 230 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 233 qof ayaa ku dhintay 900 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen gobolka Odisha ee dalka Hindiya.

Tirada dadka ku dhintay shilkii Jimcihii ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena.

Wuxuu intaas ku daray in goobta shilku ka dhacay lasoo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha.

Boqollaal dhallinyaro ah ayaa sidoo kale safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha Soro si ay ugu deeqaan dhiig.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 230 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this