Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin muddo kororsi ah oo berri la hor geynayo xildhibaanada golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-shacabka.jpeg?fit=2048%2C1536&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri la isugu yeeray kulan la hor geynayo mooshin wax looga bedelayo muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka.

Ajendaha kulanka berri oo la sii shaaciyey waxaa lagu sheegay in xildhibaanada loo soo gudbi doono mooshinka wax ka bedel lagu sameynayo dastuurka dalka.

Qodobka wax laga bedelayo waa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha, isla markaana uu sii joogayo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, waxaana la qorsheynayaa in laga dhigayaa 5-sano.

Guddi loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrintaan ayaa la filayaa inay berri golaha u soo gudbiyaan, kana hor akhriyaan mooshinkaas hadafkiisa yahay muddo kororsiga.

Shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu xusay in madaxdu ay isla qaateen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale go’aanadii golaha wadatashiga qaranka ay soo saareen waxaa lagu xusay in baarlamaanka federaalka la hor geynayo heshiiskaas si sharci rasmi ah loogu bedelo, taas oo ka dhigan in wax ka bedel lagu sameynayo qodob dastuuri ah.

Sidoo kale ajendaha caawa loo diray xildhibaanada golaha shacabka waxaa ku jirta in berri loo qeybi doono ilaa seddax hindise sharciyeed, si ay u soo akhriyaan.

1 – Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka.

2 – Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

3 – Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka.

Seddaxdaas hindise sharciyeed iyo mooshinka wax looga bedelayo qodobada dastuuriga ah ayaa berri loo gudbinayaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sida caawa lagu war-geliyey.

The post Mooshin muddo kororsi ah oo berri la hor geynayo xildhibaanada golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this