Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ma jiraan Reer Gob ah & Reero xumi laakiin waxa jira Qof goba iyo Qofل

Recommended Posts

Deeq A.   

“Ma jiraan reer gob ah iyo reer xuni laakiin waxa jira qof gob ah iyo qof xun”. Odhaahdaasi qaaciido ayay leedahay. Waa wanaagga lama wadareeyo (reereeyo). Ma sax baa mise waa caksiga oo wanaagga waa la wadareeyaa xumaantana waa la qofeeyaa si guud? Jawaabta xadiiskan Rasuulka (SCW) ee Abu Hurayra werinayo ka eeg. Waxa uu tilmaamayaa inuu Rasuulku (SCW) wadareeyay wanaagga ummadda Nabi Muhammed oo dhan, reer yar iska daayoo. Waxa uu ku tilmaamay inay Ehlu Janno yihiin, oo keliya uu ka soo reebay nin iska diiday mooyee.

 

“عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ كُلُّ أُمَّتِي يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ، إِلاَّ مَنْ أَبَى ‏”‏‏.‏ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَنْ يَأْبَى قَالَ ‏”‏ مَنْ أَطَاعَنِي دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَانِي فَقَدْ أَبَى ‏”‏‏.‏

 

Qofka qaba wanaagga lama wadareeyo, addilo ha keeno.

FB_IMG_1685693582261.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this