Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulanka Isimida SSC iyo Axmed Madoobe? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
350967615_571989434998084_71673309167277

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Isimida dhaqanka SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhageystay Garaadada dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa dhankooda madaxweynaha Jubbaland uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan ee u sameeyay.

Isimida SSC ayaa sidoo kale waxay u bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

350967615_571989434998084_71673309167277 350857913_960521428327107_62929878117096 350951826_1324362254827455_7838057683416 350829269_810571307125400_35673786697468 350956217_970056251107702_87197161421969 350946022_256549016923919_24330418782005 350943736_574587337895453_84144278286142

The post Maxaa looga hadlay kulanka Isimida SSC iyo Axmed Madoobe? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this