Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Xildhibaanada Puntland oo wada qorshe culus oo ka dhan ah SOMALILAND

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland.jpg?fit=696%2C445&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) — Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa u ololaynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubnahan ayaa waxay doodda u weyn ee u cuskanayaan qorshahaan ay ku rabaan in Somaliland lagu daro liiska argagixisada, ku saleeyay duulaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sida laga soo xiganayo Xildhibaanadan, waxay qorsheynayaan in soo jeedintan ka dhanka ah Somaliland horgeeyaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bisha June si uu go’aan gole u noqdo.

”Muuse Biixi iyo maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso sida uu Laascaanood-ba ka sameeyay ee falalka bahalnimada ah, ” ayuu yiri xildhibaan kamid ah kuwa wada qorshahaan ka dhanka ah Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha laga soo doorto deegaannada SSC ayaa hormuud ka ah qorshahaan lagu rabo in Somaliland lagu daro liiska argagixisada ee la horgeynayo Baarlamanka Puntland.

Somaliland iyo bulshada reer SSC ayaa si weyn u kala fogaaday tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood, kaasi oo qaatay billooyin dhowr ah, uuna ka dhashay khasaare xooggan.

Si kastaba, Go’aannada Baarlamaanka Puntland ayaa la sheega in inta badan saameyn xooggan ku leeyihiin xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee hadda isku hayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Arrinta ayaa imaneysa xilli xukuumadda Somaliland ay wajaheyso culeysyo waaweyn oo ah xagga ciidanka iyo cadaadisyo diblomaasiyadeed, oo caalami ah xili ay sii socdaan colaadaha sii daba dheeraanaya ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Colaadda ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka, iyadoo dhowr dal iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Somaliland inay gaysatay dambiyo dagaal iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

The post XOG: Xildhibaanada Puntland oo wada qorshe culus oo ka dhan ah SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this