Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Sheegay in Xukuumadda Looga Fadhiyo Dhaqangalinta Heshiiskii Doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.
“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadafka Xukuumadda #DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya”.
350800983_950298646247715_24339165477132
351134296_645749100330795_34236223620747
350993325_989157035860598_43276007082177
350683500_6391863270863909_2342732804867
350955232_638897364433837_55833291661915
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this