Sign in to follow this  
Deeq A.

“Cirro & F.C.Waraabe garanmaysaan “……Xildhibaan Guruuje

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro & faysal cali waraabe garanmaysaan “.
Dadka aan waxba ka aqoonin taariikhda cusub ee somaliland ayuunbaa iska yidhaahda cirro iyo faysal cali waraabe waa rag jiliicsan iyagoo aan ogayn waxay qabteen.
1997 markii dagaalkii sokeeye dhamaadey siyaasiyiintii West Burco Clan waxay noqdeen qayb xamar qabatey oo wadanka iskaga tagty iyo qayb ina cigaal isu dhiibtey oo iska shaqo tagtey, Iyadoo ay sidaas tahay ayaa faysal cali waraabe iyo cirro xisbigga ucid furteen oo saaxada yimaadeen.
Doorashadii deegaanka 2002 habar yoonis waxaa jiitey udub nimadii cigaal kaga dhintey oo sidaas ayuu gaboose u dhacey laakiin ciidagale iyo cirro ayaa dadaaley oo ucid soo saarey, saaxada siyaasadana West Burco Clan mar kale keeney.
Doorashadii baarlamaanka 2005 ucid oo ay faysal iyo cirro hogaaminayaan waxay keeneen gudoomiyihii baarlamaanka, doorashadii baarlamaanka ee 2021 waxay dhiseen shirgudoonkii baarlamaanka, markaana waxay Aduunyadda tuseen miisaanka West Burco Clan leeyahey siyaasad ahaan.
Ugu danbayn jiilka cusub ee siyaasadda West Burco Clan waxaa soo saarey intiisa ugu badan cirro iyo faysal waayo lodkii snm wuu siibtey , lodkii soomaaliya waagii horre wax ka ahaan jireyna wuu siibtey.
Dhinaca kale labadan oday waxay muujiyeen adkaysi aan siyaasad ahaan horre aan garxajiska loogu aqoonin waayo garxajiskii horre marka siyaasadda lagaga adkaado wuu iska tegi jirey laakiin labadan oday rubuc qarni ayay soo mitideen oo dhaqaaqi waayeen.
Sidaas markay tahey raga iska yidhaahda cirro iyo faysal waa rag jiliicsan waa rag aan cirro iyo faysal aqoonin siyaasadda cusub ee somaliland aan waxba kala socinin”
Xil. Axmed Guruuje.
guruuje.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this