Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada DF oo shaaciyay go’aan la xiriira heshiiskii golaha wadatashiga

Recommended Posts

Deeq A.   
351183022_279472204515342_37016269883773

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyaha ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa diirrada lagu saaray go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee todobaadkan lagu soo gabagbeeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho/

Golaha ayaa su buuxda u taageeray heshiiskii laga gaaray doorashooyinka, laguna beddalayo nidaamkii hore ee dowladnimada, sida lagu caddeeyay heshiiska.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay ka go’an tahay fulinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.

Xamza ayaa tilmaamay in sidoo kale mas’uuliyad gaar ah ay ka saaran tahay amniga, gaar ahaan xoreynta dalka, si looga saaro Al-Shabaab.

“Annaga ka xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Shabaab kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Sidoo kale waxa uu faray golaha wasiiradu in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan ka xukuumadan ahaan inay xoogan la saaro deyn cafinta dhammeystirka Dastuurka oo muhiim u ah heshiiska .

“Hadafka Xukuumadda DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya” ayuu raaciyay.

350316287_638434454530350_56198782181478 350534480_6215759485170857_6734094277655 350669396_785202183183444_34475451935657 350815282_792985909078781_92190699284947 350987293_799611698445988_42101883678208 351011069_763760225442521_68250735911952 351134811_920927255799098_17505311428540 351183022_279472204515342_37016269883773

The post Golaha Wasiirada DF oo shaaciyay go’aan la xiriira heshiiskii golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this