Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadalka dowladda iyo Mucaaradka Kenya oo lagu kala tagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wada-xaajood laba geesood ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka Kenya iyo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa sida la sheegayo hakad la geliyay muddo aan la cayimin.

Wada-hadallada ayaa la hakiyay kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka mucaaradka, sida uu sheegay Otiende Amollo, oo ah guddoomiyaha wadahadallada labada dhinac.

Isbaheysiga mucaaradka Azimio La Umoja ee uu hogaamiyo hoggaamiyaha rug cadaaga Raila Odinga ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay isbaheysiga uu hogaamiyo Ruto ee Kenya Kwanza (Kenya First).

Odinga ayaa hor kacayay mudaaharaadyo toddobaadkiiba laba jeer socday oo bilaabmay bishii March kaas oo lagaga cabanayay qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin lagu eedeeyay doorashadii sannadkii hore.

PUNTLAND POST

The post Wada-hadalka dowladda iyo Mucaaradka Kenya oo lagu kala tagay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this