Sign in to follow this  
Deeq A.

Waar ilaa goorma ayaynu isyeelyeelkan ku jiraynaa?…..Raage kama duwana Saleebaan Cali Koore

Recommended Posts

Deeq A.   
ISYEELYEELKA 16 JIRSADAY!
Xalka Laascaanood casuumaadda Raage kuma jiro. Dad aanay waxba ka go’in in kolba meel la soo tubo, xilal loo magacaabo, dabeedna taasi ay sii fogeyso rajo kasta oo laga qabay in lala xaajoon karo dadka taladu ka go’daa, waa dhaqan-siyaasadeedka iyo fashilka hoggaamineed ee deegaankaa lagu wajahayay 16 sanno, kolka laga yimaado Ahmed-siilaanyo oo Khaatumo la xaajooday, walow haddana heshiiskii uu xashiishka ku daray Muuse.
Xalka deegaankaasi waxa uu ku jiraa ragga taladu ka go’do oo lagala xaajoodo xalka dhow iyo kan dheer labadaba. Wax kasta oo aan taas ahayni wax ay Somaliland ka kharibto mooyaane, wax Alle wax ugu soo kordhayaa ma jiraan! Raage, kama duwana Saleebaan Cali Koore, Shacabka Bahararsame ha isdajiyaan, Faratoon iyo Badhasaabka aan huteelada Hargeysa dhaafin, haddana Sool ku isman! Waa maxay waxa kuwaasi ay soo kordhin kari waayeen ee Raage uu soo kordhin karaa?
Waar ilaa goorma ayaynu isyeelyeelkan ku jiraynaa?
raage-1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this