Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: SINCAD iyo Mideeye oo mar kale isbaheysi samaysanaya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1685602276526.jpg?resize=720%2C54

Wada-hadallo hoose ayaa u socda mas’uuliyiin ka tirsan labada urur siyaasadeed ee Mideeye iyo SINCAD sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

SINCAD iyo Mideeye ayaa ka arrinsanaya sidii ay u wada dhisan lahaayeen maamullada degmooyinka laga qabtay doorashada qof iyo cod.

Wararka ayaa sheegaya in labada urur siyaasadeed mabda’ ahaan isku raacsan yihiin qodobkan islamarkaana uu weli wada-hadalka u socdo.

Haddii ay rasmi ugu heshiiyaan qodobkan waxaa la filayaa in ay sidoo kale ka horyimaadan furista Dastuurka Puntland.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku noqon doonta qorshaha madaxweyne Deni uu ku raadinayo furista Dastuurka si ay Puntland u yeelato shan xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland: SINCAD iyo Mideeye oo mar kale isbaheysi samaysanaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this