Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo u ololaynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u ololayna in liiska argagixisada lagu daro Somaliland.

Xildhibaannada ayaa dooddan ku salaynaya falalka bahalnimada ah ee Taliska Muuse Biixi uu ka sameeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

” Muuse Biixi iyo maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso sida uu Laascaanoodba ka sameeyay” ayuu noo sheegay xubin Baarlaman.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale noo sheegay in ay soo jeedintaas horgeyn doonaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bisha June si uu go’aan gole u noqdo.

Go’aannada Baarlamanka Puntland waxa inta badan saamayn xooggan ku leh xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee Somaliland dagaalka ka waddo.

PUNTLAND POST

The post XOG: Xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo u ololaynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this