Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo sheegtay 13 milyan oo Caruurta Suudaan ah u baahan yihiin gargaar deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 13 milyan oo carruur ah oo ku nool Suudaan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, inkastoo uu jiro heshiis xabbad joojin ah , haddana dagaalka uu sii socdo.

Hay’adda u adeegta carruurta adduunka ee UNICEF oo u hadlay afhayeenkooda, James Elder ayaa sheegay in boqolaal gabdho iyo wiilal ah ay ku dhinteen dagaalka, isagoo intaa ku daray in ay adkeyd in xog dhameystiran laga helo dagaalka.

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo Qaramada Midoobay ay markii ugu horeysay sheegtay in hay’adaha gargaarka ay ku guuleysteen inay gaaraan in ka badan 15 kun oo qof oo ku nool Khartoum iyo Omdurman.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo sheegtay 13 milyan oo Caruurta Suudaan ah u baahan yihiin gargaar deg deg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this