Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Guddiga Joogtada ah Ee Golaha Aqalka Sare?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare oo lagu ansixiyay qorshe hawleedyada guddiyada Golaha Aqalka Sare.
Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo  xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.
Xoghayaha guddiga ayaa u soo bandhigay una faahfaahiyay dhammaan qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo diyaariyeen si ay ugu hawlgalaan kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya uu furay madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Dood iyo falanqayn dheer oo xubnaha guddiga joogtadu ay ku sameeyeen qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo bandhigeen ayay ku ansixiyeen dhaqanlgalkiisa, golaha ayaa waxaa laga sugayaa meel marinta dhowr sharci oo kusoo wajahan oo kasoo gudbaya golaha shacabka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this