Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale Warbixin Ka Dhageystay Saraakiisha Ciidanka Xasilinta Caasimadda

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda ee Military Police, kuanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino loogu dhageystay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada.
Saraakiisha ciidanka ayaa Guddoomiyaha Gobolka la wadaagay guulaha laga gaaray howlgallada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, kaas lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo howlgallada ka dhanka ah ciyaal weerada iyo maxyaabaha Maanka dooriya oo ciidanku ay dagaal kula jiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga, asigoona ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay ku jiraan howlaha sugidda amniga Caasimadda magaalada Muqdisho.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this