Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Isimida SSC oo kulamo ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
350654868_773967580934436_28780174219224

Muqdisho (Caasimada Online) – Isimida SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxay maanta la kulmeen guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA.

Guddoomiye Maxamuud Macallim Abdulle ayaa qaar kamid ah Isimida dhaqanka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ku soo dhoweeyay xarunta dhexe ee hay’adda.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana looga hadlay xaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan u gurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhankooda, Isimada dhaqanka ayaa hay’adda maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhasahy dagaalka.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

350654868_773967580934436_28780174219224

350625958_931394227935571_62260448774293

350634594_1283482565916241_3778802090343

350640682_780632420401773_76012057778259

350819826_6158715647509646_1620344783013

350624759_801309717984311_71465836563945

350653933_1733121033802530_3635922934125

The post Sawirro: Isimida SSC oo kulamo ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this