Jacaylbaro Posted October 2, 2007 Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa la sheegayaa in Maxaysatadii Maleeyshiyada ******teeniya ay dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Laascaanood ugu geysteen jidh dil iyo waxyeelooyin kale. Dadkan reer somaliland ee u dhashay SOOL ayaa isugu jira dad rayid ah oo meesha deganaa iyo kuwo meherado kulahaaba. Wararku waxay intaa ku darayaan in labada magaalee ugu waawayn, Boosaaso iyo Garoowe, ay ka bilaabeen maleeyshiyada ******teeniya inay bililiqaystaan dadkaa u dhashay Sool. Waxaa lagu arkayey meelo badan oo ka mid ah Garoowe iyo Boosaaso xerooyin looga sameeyey dadkaa oo lagu xareeyey, jidh dil, kubsi, iyo xasuuqna loo geystay. Mar aanu wax ka waydiinay suxufi madaxbanaan oo ku sugan Boosaaso sida ay wax u dhaceen wuxuu yidhi: "Mar alaale iyo markii ciidanka maamulka puntland laga soo saaray Laascaanood ayey iyaga oo wejiyadooda aad moodo inay cadaabtii ka soo baxeen markeliya weeraro ku qaadeen meheradihii ay lahaayeen dadka u dhashay amaba ka soo jeeda Laascaanood iyo nawaaxigeeda." Suxufigu isagoo hadalkisa sii wata wuxuu yidhi "...waxaan arkayey dadkan oo la soo uruuriyey sidii maxaabiistana laysugu xidhxidhay." Suxufigan oo aanaanu magaciisa sheegi karin sababo la xidhiidha nabadgelyadiisa awgeed ayaa cadeeyey in dhinaca garoowana laga soo sheegayo dhacdo taa la mid ah. Mar aanu suxufiga waydiinay sababta ka danbeeysa dhacdadan wuxuu yidhi: " Sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidanka puntland ee wada xasuuqan, waxay ku eedaynayaan ka soo bixii ay ka soo baxeen Laascaanood inay sabab u tahay dadka reer Laascaanood oo ka soo horjeestay maamulka puntland soona raacay waxa uu ugu yeedhay Cadowga Puntland isagoo u jeeda Ciidanka Somaliland." Wararkale ayaa iyana sheegaya in dadka u dhashay gobolka ******teeniya amaba gobolka Bari, gaar ahaan reer Garoowe iyo Boosaaso la arkayey iyagoo u qaxaya dhanka Koonfurta ilaa Gaalkacayana la lahaa way gaadheen. Qaxan ayaa ka dhashay cabsi weyn oo ay ku abuureen maleeyshiyada ******teeniya dadkoodii kadib marki iyagoo yaacaya ay markeliya garoowe iyo boosaaso so galeen. Dadka rayidka ah ayaa ka cabsi qaba in dagaalku so dhaafo xuduudaha Somaliland iyo Somaliya oo ilaa garoowe iyo boosaaso laysa soo eryado. Ugu danbeeyntii mar aanu wax ka waydiinay sarkaal ka mid ah Ciidanka Somliland ee hadda ku sugan laascaanood inuu wax ka ogyahay xasuuqan iyo dadkan reer Sool ee la leeyahay xerooyin boosaaso ku yaaleey ku jiraan, wuxuu ku jawaabay sarkaalkaasi: " Warkaa ma hayno, laakiin waa wax dhici kara, waa wax ka suurowba maleeyshiyada ******teeniya oo markay ku sugnaayeen laascaanod gudaheedaba ficiladaa iyo kuwa ka daranba ku dhaqmi jiray. Waxanuse leenahay hadaad joojin weydaan waxan aad wadaan Boosaaso iyo Garoowaa laysku arki." Wixii ka soo kordha xasuuqaa iyo qaxaa Boosaaso iyo Garoowe kala soco halkan Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 2, 2007 I hope it is not true .............. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 2, 2007 ^ sarcasm, huh? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 2, 2007 Let's just hope inaan reer laascaanood waxaas loogu abaal gudin aakhirkii ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jamster Posted October 2, 2007 ***** iyo riyadiisa but will be a nightmare. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 2, 2007 web page jacalyBaro's cousin on other side reported this Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 3, 2007 How can any sane people read those hatred sites, been maalin cad loo jeedo fabricate? Ma niyadda ayaa lagu dhistaa. I am not talking about this site only, kuligood labadda dhinacba. Ka biloow, and being a few examples, idamaale.com, carmooyin.com to hadhwanaag.com to qarannews.com to radiolaascaanood.com to widhwidh.com. Qashinka ayaa dhaamo reports like this and any bogus lies they fabricate as a report, a waste of bandwidth iyo been been dhaaftay. For the sake of your own sanity and healthy mind, stop reading those sites and many of its ilks. Or otherwise haddaa saan ku socotiin waa ku dhufan doontiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 3, 2007 Waaryaahe JC masaas baa kuu danbeeysay, in aad waxaas naruuro ka daydid? isku xisho ninyahow! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2007 waar niyow kuwaasna waanu ka leenahay ,,,, just to let u know Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 3, 2007 Jacaylbaro obviously needs a timeout. A temporary ban until he clears his head. Add Duke too. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2007 what about you homie ??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted October 4, 2007 why...! maa roob ba ka da'aye!! now this would cause confusion and make ppl run away. they are not use to rain!...only think that comes to mind right now. Quote Share this post Link to post Share on other sites