Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaligii ugu horeeyay ee ka mid noqda Barlamaanka Gobolka Alberta-Canada

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif Xaaji, ayaa noqday Soomaaligii u horreyey ee ka mid noqda Baarlamaanka Gobolka Alberta ee dalka Canada.
Waxa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Edmonton, kaddib markii uu ka helay 52.5% codadkii la dhiibtay. Wuxuu ku guuleystay oo tartan adag ay wada galeen musharraxa kale oo isaguna Soomaali ah Sayid Axmed.
Guusha Shariif, ayaa ka dhigan in markii ugu horreysey ay Soomaalidu yeesheen Xildhibaan heer gobol ku matala Baarlamanka gobolka Alberta – Mr.Shariif wuxuu ka tegey degmada Xuddur ee KGS.
Dhanka, Dawladda Federaalka Canada waxaa markii saddexaad Xildhibaan ka noqday Axmed Xuseen oo haatan ah Wasiirka Guryeenta iyo Jinsiyadaha ee Canada.
~ Iman Jama
May be an image of 1 person and glasses

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this