Jacaylbaro Posted May 11, 2009 Hay'ada Culimada Soomaaliyeed ayaa Bayaan ay soo saareen maanta waxaa ay uga hadleen Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada,Arimaha burcad badeeda iyo Faragalin ay sheegeen in Ethiopia ay ku hesyso gudaha dalka Soomaaliya. Xubnaha hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo 6-dii maalin ee ugu danbeeysay kulamo isdaba joog ah ku lahaa hotel Garguute ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay soo saareen qodobo gaaraya 6-kuwaasi oo quseya arimaha ka taagan dalka. Hay’ada culimada Soomaaliyeed ayaa qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ah in uu qalad yahay oo ay canbaareeynayaan dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayna tahay in shacbka Soomaaliyeed ay helaan Ammaan iyo nabadbuuxda. Sidoo kale Qodobadaasi ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in dowalada Kmg Soomaaliya ay tahay dowlada islaam ah oo uusan dhiigedu banaaneyn laguna tilmaami Karin Rido iyo in sidoo kale uusan banaaneyn dhiiga xoogaga mucaaradka ee dowlada ka soo hor jeeda ayna yihiin dad muslimiin ah. Shirkani oo maanta u soo gabgaboobay xubnaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed bayaankii ay soo saareen waxaa kaloo ka mid ahaa in dalka Soomaaliya ay ku soo wajahan tahay Qatar isla markaana xeebaha Soomaaliya la soo dhigay ciidamo badan oo shisheeye iyo dowlada Ethiopia oo ay ku eedeeyeen in ay soo ababusho maleeshiyaad Soomaali ah oo ay u diyaarisay in ay dalka dhibaato ka dhaliyaan isla markaana ay faragalin qaawan ku heyso arimaha Soomaaliya. Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa saxaafada u aqriyay qodobada ay soo saareen,waxaana uu sheegay in heshiiskii dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid aysan Faah faahin dhankooda ka heyn balse looga baahan yahay dowlada in masuuliyad ay iska saarto arintaasi. Mar shiikh Bashiir wax laga weydiidayay arinta ku aadan bixitaanka ciidamada AMISOM oo ay horay uga soo saareen qodob ayaa waxaa uu sheegay in ay weli u harsan yihiin waqti muhiimna ay tahay in waqtigaasi laga war sugo. Kulankani ayaa waxaa uu yahay kii labaad ee magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay hay’ada Culimada Soomaaliyeed,waxaana kulankani kii ka horeeyay ee ay magaalada Muqdisho ku yeesheen ka soo saareen qodobo dhowr ah oo qaar ka mid ah aysan waxba ka hir galin marka loo eego dagaalada,lamana oga sida uu u dhaqan gali karo ama ay u aqbali karaan dhinacyad ay quseeyaan go’aamada ay soo saareen hay’ada Culimada Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted May 11, 2009 This is becoming sad everyday. ilaahaw dadka kala qabo adiga weyn oo waaxid ahe. Aaamin. Quote Share this post Link to post Share on other sites