Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo dalab cusub u gudbisay dowladda Britain

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2023-05-30-at-7.54.14-AM.

Muqdisho (Caasimada Onlilne) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale si diiran u soo dhaweeyay Danjire Michael oo dhawaan loo soo magacaabay hoggaaminta safaaradda UK ee Muqdisho.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Dhinacyada ay UK ka taageerto Soomaaliya waxaa ka mid ah dhanka dhismaha ciidamada qaranka, waxayna UK mid ka mid ah saldhigyada lagu tababaro ciidamada Soomaaliya ku leedahay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab, ayaa caalamka si joogto ah uga dalbata gaageero dhanka howlgallada ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa safka hore uga jirta dowladaha Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxda Al-Shabaab, dhismaha ciidamada qaranka iyo dhinacyada hormarka bulshada.

Mr. Michael Nithavrianakis ayaa dhawaan loo soo magacaabay danjiraha cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa danjiraha ka dalbaday inuu dardar geliyo taageerada ay UK siiso Soomaaliya.

WhatsApp-Image-2023-05-30-at-7.54.19-AM. WhatsApp-Image-2023-05-30-at-7.54.18-AM. WhatsApp-Image-2023-05-30-at-7.54.17-AM. WhatsApp-Image-2023-05-30-at-7.54.14-AM.

The post Sawirro: DF Soomaaliya oo dalab cusub u gudbisay dowladda Britain appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this