Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Booqday Taliska Booliiska Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firin iyo wafdi saraakiil Boliis ah oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa xafiiskiisa ku booqday taliyaha ciidanka Boliiska Federaalka ah ee dalka Itoobiya Mr Damlesh Gabremechael Woldeyes.

Booqashadaan ayaa u jeedadu aheyd iskaashiga Boliiska dowladaha geeska Afrika gaar ahaan Boliiska dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti, iskaashigaan ayaa ku saabsanaandoona dhinacyada la dagaalanka Argagixisad iyo dambiyada abaabulan ee xaduudaha isaga gudba.

Talaabadaan ayaa waxbadan ka taridoonta isdhafsiga xogaha iyo warbixinada Aammaanka gobolka Geeska Afrika. Maadaama, argagixisada ay ku jiraan xubno ka soo hayaamay gobolka iyo dowlado kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this