Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka oo Dhagax Dhigay Dhismaha Waddada Waaxda Oodweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Waddo dhexmarta Degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Oodweyne oo ay dhismaheeda iska kaa shanayaan Bulshada deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhagax dhigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Dayniile iyo qeybaha bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Dayniile Cabdi Shakuur Abuukar Rooble ayaa tilmaamay in dhismaha wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka degmada islamarkaana ay baahi weyn u qabaan shacabka ku dhaqan Waaxda Oodweyne ee Degmada Dayniile.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhankiisa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka noqon doonto howlaha isku tashiga ah ee lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyay in bulshada ay Maamulka kala qeyb-qaataan ka shaqeynta horumarka iyo dib-u-dhiska, asigoona sheegay in shirkad kasta oo ka shaqeysa dhismaha Wadooyinka lagula xisaabtami doona tayada dhismaha islamarkaana aan la dhisi karin waddo uusan ogeyn Maamulka Gobolka Bananadir.
350369693_242296768401265_74815746549986
350637200_619755743546451_11212723394884
350368601_818580022556440_40416721194138
350475024_249898777651911_51184159366206
350336776_983621825993700_86397222039521
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this