Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ganacsiga Soomaaliya oo lagu xirayo midka caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
347269626_256719846899039_41330785377560

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu muhiim u yahay isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq-geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya.

Mudane Xamza oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, islamarkaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kaluun, muus iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxa ay hadda diyaar u tahay in la maalgashado, taasi oo ay xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri-galinayso shirarka noocaan ah ee muhiim u ah isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka.

347269626_256719846899039_41330785377560 347248873_2517637408395496_2535386957970 350105612_1285803312314505_2532576953154 350487465_950398699614073_61275725530797 350359483_1214203539289320_6921597897728 349149269_823439686235217_50684443310974 350262110_793063869205749_88170217571187 350252055_3457016301217573_1977153481384 350242084_2550580205100419_6977166209911 350105259_702938818259229_69767045250841 350317748_1405656730275856_2443515418592 347252461_280338564340550_90330908821751 347263386_1465954200880662_7668443811608

The post Sawirro: Ganacsiga Soomaaliya oo lagu xirayo midka caalamka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this