Deeq A. Posted May 30, 2023 Maalmaha dhamaadka bisha May, saanad kasta waxa TV yada ka soo muuqda niman jabhaddii SNM ka mid ahaa, oo dagaaladii ka qayb qaatay. Ninba wixii uu u soo joogay buu sheegaa, wax sugan iyo wax aan sugnayn na labadaba way baahiyaan. Ninka ii gu yaabka badnaa waxa uu ahaa nin la gu Magacaabo Jaamac Hawd (Cadaawe) oo Horyaal TV ay waraysi ka qaadeen. Warar si fudud loo garan karo in aanay sax ahayn oo badan buu halkaas ka sii daayay. Tusaale ahaan, waxa uu sheegay in uu baabuur kuwa yaryar ah oo qori saarnaa, ku jiiday saddex kale oo shidaalku ka dhamaaday! Waxa uu sheegay, in baabuurkaas yar ee qorigu saaranyahay, uu ku siday dhawr iyo toban nin oo mayd iyo dhaawac ba isu gu jira. Waxa uu sheegay baabuurkaas in uu isagu darawal iyo ridaha qoriga ba isu ahaa, Maxamed Kaahin oo dhaawac ah na uu ku qaaday. Ninkaasi in uu goobjoog ahaa oo wax badan u soo joogay waxa marag u ahaa sida uu u hayay magacda jabhaddii maalmahaas dagaalada ku dhimatay. Sidaas oo ay tahay, hadana wixiisa isaga ayaa gacantiisa ku qarribay oo war ka badbadin ah buu sheekadii ku dhex qasay. Eeg, hal baabuur ma jiidi karo saddex kale. Taas caruurta xataa lagama dhaadhicin karo. Sidoo kale, dhawr iyo toban qof oo mayd iyo dhaawac ba leh baabuur yar, oo weliba sagxaddii wax la gu qaadi lahaa uu qori weyni saaranyahay la gu ma qaadi karo. Xaasha. Xataa marka ay dadku fayowyihiin ee ay is cidhiidhyanayaan, baanay tiradaasi baabuur noocaas ah fuuli karin, waaba se dhaawac mid weliba iskii u damqanaayo oo ilaalin u baahanyahay iyo maydad fidsan. Been iyo ka badbadin foolxun weeye. Sidoo kale, Kaahin Burco ku ma dhaawacmin waana la ogyahay. Aadan Saleebaan iyo Axmed Mire ayay ahaayeen nimanka ku dhaawacmay. Muuse ayaa maalin uu Burco ka hadlaayay yidhi, Kaahin baa ahaa ku xigeenka hogaanka ciidanka ee Burco, oo ku na dhaawacmay, laakiin labaduba waa been aan sal iyo raad lahayn. Sidoo kale, Jaamac-cadaawe wuxu yidhi, Muuse 1985kii buu jabhadda ku soo biiray, Baligubadle iyo Qoolbuulalae ayaanu dagaalo ka dhacay hogaamiyay. Intuba waa been cad. Muuse jabhadda wuxu ku soo biiray dhamaadkii 1986kii, dagaalo meelahaas uu sheegay ka dhacay oo uu joogay na ma jirin. Muuse laftiisa oo la waraystay wax yar ka hor doorashadii 2017kii, la na weydiiyay su’aasha ah dagaal weyn oo isagu uu hogaamiyay, sida Axmed Mire, Dhegaweyn iwm, in uu jiro, waxa uu yidhi ma jiro, waana runtii oo ma jiro. Is ku soo wada duub, Jaamac warkii la ga qaadan lahaa, waxa uu ku dhex walaaqay warar aan sugnayn. Ka badbadintu waxa ay dilaysaa xataa warkaaga qaybta runta ah. Qofku in uu si miyir qabta u hadlo, wixii run ah na sheego ayaa waajib ah, laakiin runta iyo miyirku ba waa nagu yaryihiin sabab ay tahayba. Maxamed Haaruun Biixi Qaran News Share this post Link to post Share on other sites