Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamza oo hal arrin la wadaagay Isimada SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
349843507_1291599568423266_4845468811046

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah ismimada dhaqanka SSC-Khaatumo ee maalin kahor soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa casho sharaf u sameeyay isimada oo ay wehlinayeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ee horay u tegay Laascaanood iyo Hargeysa.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay odayaasha uu kulmay xaaladda cakiran ee Laascaanood oo ay dhowr bilood ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Xamza ayaa hal arrin la wadaagay isimada uu la kulmay taas oo ku saabsan Laascaanood, waxaana uu tilmaamay in aa l aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.

Sidoo kale, ra’iisul Wasaaraha Soomaaloya Xamza Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada haatan taagan.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa Garaadada uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay kusoo dhoweeyay xarunta Villa Soomaaliya oo ah halka looga arrimiyo waddanka.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

350100473_204450172464662_36317568795012 349805598_972799407087727_37699215988817 349843507_1291599568423266_4845468811046 350007845_600867198775168_66112939836497 350037484_3531553893773592_1551582967815 350097936_769963861273780_33567945852250

The post Sawirro: R/W Xamza oo hal arrin la wadaagay Isimada SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this