Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbax Lagu Taageerayo Guushii Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa galabta ka qeyb galay dibadbax ay Bulshada Magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Xildhibaano ka tirsan DFS, Guddoomiyahaasha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu Madaxweyne Erdogan ku lee yahay dib usoo kabashada Dalka iyo xoojinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed, asigoona sheegay in Madaxweyne Erdogan Imaashiyahiisa Muqdisho ay wax weyn ka badashay aragtidii caalamka ee ka qabeen Soomaaliya.
350511496_258705253372694_43131161184492
350293785_1345969042934641_2313277058674
350519937_1199173470790907_4324896271672
350501137_646243240716074_40430524790360
350628871_570336518586170_80649606579794
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this