Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan Ciidanka Uganda oo Al-shabaab ku qabsatay weerarkii Buulo Mareer

Recommended Posts

Deeq A.   

Millatariga dowladda Uganda ayaa qiray in ay Al-shabaab gacanta ku dhigtay askar ka tirsan Ciidankooda Nabad Ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Millatariga Uganda oo lagu magacaabo, Felix Kulaigye ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay askar ka tirsan Ciidankooda ku qabsadeen weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Buulo Mareer.

Af-hayeenka oo wax laga weydiiyay tirada askarta Ciidamada Uganda looga qabsaday weerarkii Buulo Mareer ayaa ka gaabsaday in uu xuso tiro cayiman waxaana uu sheegay in aanu rabin mala-awaal.

Felix Kulaigye ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya u direen koox xaqiiqo raadin ah oo baaritaan ku samaysa dhacdadaas kadibna ay warbixinta rasmiga ah soo bandhigi doonaan.

PUNTLAND POST

The post Askar ka tirsan Ciidanka Uganda oo Al-shabaab ku qabsatay weerarkii Buulo Mareer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this