Deeq A. Posted May 29, 2023 Wax badan Ka ogow sababta ka dambeysa Guusha Erdogan. Farriinta ugu culus ee aan ka qaatay doorashadii turkiga waxa weeye: Hadal dadku uma baahna ee shaqa la taaban karo oo lambarra leh bey rabaan. Erdogan sababta uu doorasha kasta 2002 – 2023 (16 jeer) ugu guulaysanayo wax yar oo ka mid ah aan kaaga sheego: 1) GDP turkiga (wax soo saarka dalka) 2002 wuxuu ahaa: $236 bilyan – hadda 2022 waa: $906 bilyan, trilyoon ayuu afka geliyey. 2) 2002 wuxuu ahaa dhaqaala 18aad adduunka ugu weyn, Hadda 2022: waa dhaqaalaha 11aad adduunka, UK, France ayuu ku xigaa. 3) Awoodda wax iibsi ee muwaadinka GDP/per capita – PPP, 2002: $10,988 Hadda 2022: $ 39,301 / nolosha dadka ka garankartaa. 4) Maal gashiga dibadda ka yimi: 1973-2002 (30 sano) $15 bilyan keliya, Hadda 2003-2022 (20 sano): $ 251 bilyan ayuu gaarey. 5) shirkadaha caalamiga ee dalka soo gala: 2002 wexey ahaayeen 5.6 kun Hadda: 2022 waa 79.6 kun shirkadood (immisaa dad ayaa ka shaqeeya bey kula tahay). 6) Wax dhoofinta : 2002 wexey ahayd: $36 bilyan, hadda 2022 wexey gaadhey: $254 bilyan. 7) Mashaariicda horumarin kama hadlin: Buundooyinka, Waddooyinka 20k oo KM oo dalka isku xira, garoomada Kan Istanbul ugu weynyahay, hubka iyo saanadda samaynteeda, deymihii sanduuqa lacagta oo bannaanka la mariyey ka dibna sanduuqa la deymiyey. Xigashada: Xafiiska Maalgashiga ee madaxtooyada turkiga. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites