Sign in to follow this  
General Duke

Fake Mujahids: Kuweenu waa Shuhaddo Kuwooduna Waa Bakhti.

Recommended Posts

Kuweenu waa Shuhaddo Kuwooduna Waa Bakhti.

 

January 12, 2010Maalmaha madow ee hadimooyinka iyo hawlka badan waa mid maalinkasta saaran umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkii hooyo. Qaraxii baaruuda ee bilowdey muddo haatan laga joogo 29 sano, ayaa weli socda mana muuqato xal laga gaarayo dagaalada sokeeye.

 

Dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka holcaaya ayaa soo maray marxalado kala gedisan, inkasta oo inta badan malayshiyadka dagaalka la geliyo ay ahaayeen kuwo si qaldan looga faa’ideystey isla markaana lagu marinhabaabiyey haybta iyo qabiilka aan dhamaadka lahayn, malayshiyaadka dagaalada Soomaaliya ka qaybqaadan jirey waxaa ay ahaayeen kuwo huba in ay qaldanaayeen, taasna waa mid iska leh caddeymo badan.

 

Maalmihii hawlka iyo walbaahaarka badnaa ee umadda Soomaaliyeed dulsaarnaa waxa ay soo gaareen heer wax lagu tilmaamo aan la garan karin, laba kooxood oo labaduba diinta Islaamka in ay culimo ku yihiin sheeganaya ayaa fooda dagaal isku daray iyaga oo lagu diriraayo dhul kuligood ku filan, haddii ay nabad ugu wada noolaadaan dagaalkii markii uu dhamaadey ayaa qolo kasta kii ugu aftahansanaa u hadley: waxaana waraystey weriye Mr.Dhexdhexaad

 

Shiikh hebel hadaad tihiin kooxda al-jabal meeqa ayaa idinka dhintey:

 

Walaal aan ku saxo dadka naga shihiidey may dhiman ee waa noolyihiin khasaarona lama yiraahdo ee ilaahay waxa uu qur’aanka uu ku yiri kuwa jidka rabbi ku dhinta ha oranina waa dhinteen, waa noolyihiin allaah agtiisa ayaana lagu quudinaayaa marka labada jeerba waa faa’iido.

 

Gartey dhanka idinka soo horjeeda ee Jeyshka Al-baxar maxaad ka disheen:

 

Walaal nimanka daalimiinta ah ee naga soo horjeeda waxaa indhahayagu qabteen 10 bakhti ah qaniimo badana waa ka helney Muslimiintii Ilaah waa guuleeyey.

 

Weriye Dhexdhexaad ayaa helay aftahankii kale ee Al-baxar:

 

Shiikh hebel haddaat tihiin kooxda al-baxar meeqa ayaa idinka dhintey:

 

Anagu wax dhimasho ah ma ogin waxaa shihiidey laba walaal, kuwii diinta sida leebku uga baxo qaansadana uga baxay diinta Islaamakana waxaa ka bakhtiyey 20khaariji Ilaah ayaa lagu caabudaayaa dhulkii laga saarey waana la dikrinaayaa.

 

Dagaalkii Uxud ee ay isaga horyimaadeen gaaladii qureysheed iyo ciidankii uu watay Nebi Muxamed (N.N.K.H) ayaa markii lagu kala baxay dagaalka oo qureysh u qaadatay in ay dagaalka ku guleysteen ayuu yiri Abuu-Sufyaan oo ciidanka qureysh watey “Hubaloow kor noqo, guushu xagayaga ayey ahayd maanta, waana bedelkii jabkii na raacey dagaalkii beder”, hubalna waxa uu ahaa sanam ay caabudi jireen markaas ayaa nebigu u ogolaadey in mid kamid ah asxaabtiisi uu u jawaabo waxa uu yiri: Allaah ayaa kor ah, mana nihin dad siman kuwii nalaka diley janada ayey hurdaan, idinkana cadaabta.

 

Hadaba markii laba qolo oo Islaam ah iska horyimaadaan, hal mar wada aadaamayaan, shanta salaadood wada tukanayaan bisha ramadaana soomayaan in ay isu isticmaalaan erayadii gaaladii qureysheed iyo asxaabtii ma dowbaa?.

 

Ilaah waxa uu qur’aankiisa ku sheegay in dad mu’miniin ah diriri karaan oo seefaha isu qaadan karaan, laakiin ilaah markii uu sheegaayey midna diinta kama saarin waxa uu ku tilmaamey mu’miniin waxaana uu yiri dhexdhexaadiya, kii nabada qaadan diida la wada dagaala ilaa ay amarka rabbi u soo laabtaan.

 

Taariikhda waxaan ku hayanaa in asxaabtii qaar kamid ah ay dagaal isaga horyimaadeen, dagaaladaasna ay ahaayeen kuwo fitan lagu tilmaamo.

 

In qof lagu dhaho waa shihiid ma ahan arin sahlan, waxaa dhacdey waqtigii Nebiga (N.N.K.H) in nin ka mid ahaa safka muslimiinta uu u dagaalamay sidii shabeelkii isaga oo gaaladii rag badan ka laayey markii danbe ayaa la diley, midkamid ah saxaabaddii ayaa yiri waa shihiid, laakiin nebigu waxa uu yiri naarta ayuu galaya sababta oo ah waxa uu u dagaalamaayey ma ahayn in uu kelmada ilaahey koryeelo ee casabiyad ayuu u dagaalamaayey iyo hala yiraahdo waa geesi waana loo yiri.

 

Dagaal kamid ah dagaaladii ay isaga horyimaadeen Nebiga (N.N.K.H) iyo gaaladii waqtigiisi ayaa midkamid ah gaaladii oo aad dagaalyahan u ah waxa uu laayey Muslimiin badan seeftiisuna waxa ay ahayd mid dhiig badan ku daadshey midkamid ah saxaabaddii ayaa soo dul istaagey ninkii kadib markii uu damcay in uu qudha ka jaro ayuu gaalkii islaamey oo qirey shahaadada, laakiin saxaabigii waa diley ninkii kadibna nebiga ayuu u sheegay, nebigu waxa uu yiri miyaad dishey kadib markii uu yiri (Laa ilaaha Ilalaahu muxamaddu rasuululaah) waxa uu ku jawaabey saxaabigii Rasuulkii allow waa uu ku dhuumanaayey waxa uu doonaayey in uu seefta kaga badbaado, waxaana nebigu ugu jawaabey kelmadii caanka ahayd ee ahayd miyaad jeexdey qalbigiisa oo ogaatey, saxaabiga ayaa yiri waxaan jecleystey in aan maalintaas soo Islaamo kadib wixii aan sameeyey.

 

Maanta si kasta oo aad shahaadada u qirto si kasta oo aad u muujiso in aad Islaam tahay, waa adagtahay in seefta kooxaha isku haya Soomaaliya aad ka badbaado.

 

Dagaalada fikirka diinta ah salka ku haya waxa ay keeneen wax aysan keenin kuwii casabiyada qabyaalada salka ku hayey, waxaana tusaale kuugu filan wixii ka dhacay Hotel Shaamow 03.12.2009, waxaana ku adkaatey qoladii fulisey midey doontaba ha noqotee in ay sheegato kadib foolxumaddii halkaas ka dhacdey, waana miraha musiibada ka socota Soomaaliya.

 

Dawo bukootey iyo dab dhaxamooday

 

 

Markii xaalku caynkan oo kale yahay waxaa dadka kala saari jirey waa culimada raasikhiinta ah, waxaa hubaal ah in ay jiraan culimo diinta si weyn u yaqaan oo dagaalada aan ka qaybqaadanayn isla markaana ka soosaarey baaqyo badan laakiin cid dhegaysatey aysan jirin, waxa dad badan is weydiinayaan, intaasi ma tahay mid kaafi ah, waxaana marag ma doonto ah in ay ku dhaliilan yihiin inta ay shir qabteen baaq keliya soo saareen, halka ay ka ahayd in ay har iyo habeen u taagnaadaan caddeynta xaqa ama halagu dilo ama halaga qaato, waddo kale oo wax lagu xalin karaa ayaan furneyn maadaama dhinacayada is hayaa oo dhan mid walba calan u sito sidii umad kale oo Islaam ah u dabar jari lahaa.

 

Gabyaagu waxa uu ka hadlaa amaa sadaaliyaa wax aan markaas dadka u muuqan waxaan maqaalkan yar ku soo afmeeri gabay uu tiriyey sanadihii 50aadkii Gabyaagii weynaa ee Cismaan Yusuf Keenadiid rabbi ha u naxariistee, oo la yiraahdo Ciraab qaadasho qaybo kamid ah:

 

Wadaaddana gabal baa casiley cimiladii diine

Carradii wareershiyo dadkii caamada ahaaye

Waxaa calanka qaarkood u luli cood ku soo badiye

Iyaba caynadii lagu ogaa lagala caal waaye

Waa calaamo aakhirusamaan camalka joogaaye

Culimmadu sidey yeeli sow kuma ciraab qaadan?

 

Cumar Siciid

Editorial Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this