Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Bulshada Caasimadda Uga Mahadceliyay Isbedelka Muqdiosho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Muqdisho ay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan.
Mudane Xamsa ayaa sidoo kale xusay muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran in la gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda .
Ra’iisul Wasaara ayaa sheegay in dalka oo yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.
349570000_6327999477256796_3482543786026
350055656_222447487239240_65413777669714
349744287_191898640061368_51530050625965
349523075_303587075530608_35022014175061
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this