Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1685339962734.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Isimada ka dhegaystay Aragtidooda ku aaddan Xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool.

” Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool ” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato dagaalka Laascaanood si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this