Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan iyo hoggaanka SSC? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
350108734_1333406433921397_8150903897816

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilsay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee gobollada SSC oo shalay soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Inta uu kulanka uu socday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa markale adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Laascaanood kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waaa ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya” ayuu yiri.

Dhinaca kale Isimada SSC ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii xukuumadda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi.

Arrintan ayaa uga sii dari karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneysa dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan u jeedisay xukuumadda Muqdisho.

350107750_243752008239681_62748846136490 350108734_1333406433921397_8150903897816 350133383_179846738367547_22354402728135 350133977_6562364430492246_3178618140885 350138397_134568132921422_62912930966357 350143961_132971756458256_36490173712549 350505406_1661091374321622_2630304914759

The post Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan iyo hoggaanka SSC? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this