Sign in to follow this  
Deeq A.

May Maanta oo kale…… Maxamed Haaruun Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
Maanta oo kale, waa 28kii May, sanaddii 1991, waxa Addis Ababa si nabad ah ku soo galay jabhadihii is bahaystay ee daladda EPRDF ku socday, oo uu hogaaminaayay Meles Zenawi. Waxa ay Meesha ka saareen oo naftiisa la baxsaday Mingisto Xayle Maryam oo ahaa Axmaar shuuci ah. 1974kii ayuu inqilaabay Boqor Xayle oo ilaa 1930kii wadankaas xukumaayay. Kumanaan qof oo ciidanka u badan buu Mingiste laayay si uu xukunka u hanto, waxaanu qaatay fikirkii shuuciga ee Soofiyeedku hormuudka u ahaa, muddo 17 sanno ah baanu calankiisu taagnaa. Culaysyo isa soo taraayay oo ay u gu darnaayeen Dagaalkii uu Soomaaliya la galay 1977-1978kii, macaluul baahsan oo ka dhashay abaaro wadanka ka dhacay sideetameeyadii, iyo dabshidkii jabhadihii Tigreyga iyo Ereteria oo la is ku daray ayaa sababay in Mingisto Meesha ka baxo, hogaamintii Axmaarada ee Itoobiya na ay raacdo oo aan ilaa manta la haynin.
Itoobiya waa cusub baa ka baryay – laba bilood gudahood baa la gu meel mariyay distoor cusub oo July 1991kii la dhaqan geliyay, Ereteriya na madaxbanaanideedii baa la fududeeyay sidii qorshuhu ahaa. Meles dunidu waxa ay u arkaysay, gaar ahaan Galbeedku, nin horusocod ah oo Itoobiya waji cusub u yeelaaya, Afrika na tusaale u noqon kara dhinaca maamul wanaagga iyo dimuquraadiyadda, ma se noqon. Hogaamiyaashii Itoobiya ee gacanta birta ah wax ku xukumi jiray uun buu la mid noqday, waxa uu se keenay haymanadii Axmaarada ayuu dhulka ku dhuftay. 9 gobol oo qawmiyado ku salaysan buu abuuray, Tigrey oo muddo dagaalamaayay na in uu dhaqaaleeyo oo dhiso ayuu si muuqata u ga shaqeeyay. Waxa uu abuuray xaalad ay intii suurtagal ah wadanka ku hogaamiyaan iyaka oo tiro yar, marka ay suuroobi weydo na, ay madax banaani ku qaataan. Xukun qalafsan, oo weliba dadka Soomaalidu ka mid tahay ku gacan kulul buu dhisay, Oromada na sidaas si leeg amaba ka daran baa la ga yeelay. Nin laangaab ah oo xukun helay, doonaaya na in uu xoog ku meel mariyo ayuu noqday. Itoobiya amni iyo dhisme dhaqaale ayaa ka curtay, laakiin waxaasi abidkood ma shaqeeyaan hadii xukunku aanu caafimaad qabin, oo sharcigu saraynin. Wixii uu Tigrey u qabtay oo dhan, dhawr bilood baa la gu burburiyay, oo dadkii na ku dhawaadeen in ay dabar go’aan. Malas inta uu Tigreyga u qabtay inta uu yeelay baa ka badan. Siyaad inta uu reerkiisa u qabtay inta uu yeelay baa ka badan. Waa cashar ay tahay in madaxda Afrikaanku dhab u fahmaan.
Al muhim, intaas wixii ka dambeeyay, yacnihii Meles ka dib, sheeko ma u baahna oo waynu u taagannahay, laakiin hal xaqiiqo ayaa jirta – Itoobiya ma sal dhiganin weli. Abby Axmed halgan adag oo uu tiisa ku meel marinaayo ayuu galay, sidii kuwii ka horeeyay ba u galeen, dhiig badan ka dib na, hadda ayaad mooddaa in uu sal dhigay, isaga iyo reer-abtigii oo ah boqortooyadii is weyday ee Axmaaro, ayay isugu jirtaa. Axmaaro ciidan balaadhan ayay dhisteen, amaba loo dhisay markii Tigreyga lala dagaalamaayay, dhul ay sheegan jireen oo Tigreygu ka haystay na waa qabsadeen. Heshiiskii uu Abby la galay Tigreyga ee Koonfur Afrika, waxa uu dhigayaa in Axmaarada la ga kiciyo dhulka ay haysato, si taas loo meel mariyo na, waa in la ka la diro ciidanka Axmaaro oo gaadhaaya 200 kun. Labadaas amuurood – kala dirka ciidanka iyo celinta dhulka – Axmaaro si adag ayay u diidantahay, Abby na si adag buu u doonayaa in uu meel mariyo. Taasi dagaal hor leh ayay sababi kartaa, si nabadeed na waa ku dhamaan kartaa.
haaruun.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this