Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta arrinta Gedo, kuna dhowaaqay inuu…

Recommended Posts

Deeq A.   
350119936_823294336093141_45947337865779

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Waxaa lulanka ka qeyb-galay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubbaland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadihii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in dowlad-goboleedka Jubbaland ay soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib marka ay soo dhammaadan la-tashiyada bulshada gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u cadeeyey inay ka go’an tahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada Jubbaland inay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, waxaan dhex fariisanaa dadka, tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow,” ayuu hore u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
350014178_2485433311614933_7333862325609 350018854_974425787307587_73851769134777 Xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Madoobe.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Sayid-Aadan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 350119936_823294336093141_45947337865779 350012740_1784383328673466_7031852488112 350343849_1246127029596922_2245605154007 350100029_1021245745907628_3790756029032 350272952_1057473338565029_7073733986166 350025541_1940999282933328_6138092077387 350131167_575820097995502_60602651934395 350458067_6366891066724696_5804851940702 350102246_797316778365567_87284054832748 350122229_2234366246761276_7171948930787 350010902_271620678580516_50036945439161

The post Sawirro: Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta arrinta Gedo, kuna dhowaaqay inuu… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this