Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Isimida SSC oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
2023528638208662455674928.jpg?fit=660%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Isimida dhaqanka SSC qaar kamid ah ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Isimida SSC ee Muqdisho soo gaaray ayaa kala ah; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi, Garaad Cabrisaaq Garaad Soofe, Garaad Cabdisalan Xasan Maxamed iyo Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-seed.

Wafdiga Isimida ayaa waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, guddoomiye ku-xigeenka Golaha Aqalka Sare Cabdullahi Timo-cade, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, booqashada hoggaanka SSC ee Muqdisho ayaa timid kadib casuumad rasmi ah oo u direen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo uu gaarsiiyay wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maalmo ku sugnaa magaalada Laascaanood.

Ujeedka safarka Muqdisho ee Isimada SSC ayaa waxa uu salka ku haya deeqaha beesha caalamka ay siiso Soomaaliya, sidii qaybtooda toos loogu wareejin lahaa guddiga 33-ka ah ee SSC ee la isku yiraahdo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xilkas ah.

Hoggaanka SSC ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda ugu sareysay dalka, iyaga oo la wadaagi doona xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood, oo bilihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan tegay magaalada Laascaanood, taasi oo qeyb ka aheyd qorshaha Isimida SSC lagu keenay magaalada Muqdisho.

Arrimaha ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

2023528638208662455674928.jpg?resize=660 2023528638208662658519459.jpg?resize=660 2023528638208662809167660.jpg?resize=660 2023528638208663013417948.jpg?resize=660 2023528638208663167815765.jpg?resize=660

The post Sawirro: Isimida SSC oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this