Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xarunta BF ka hor furitaanka kalfadhigga berri

Recommended Posts

Deeq A.   
350459747_707045067842065_70989471558783

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn.

Kulankaan ayaa waxa ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, islamarkaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka.

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadan Madoobe xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

Guddoonka Labada Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya”

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

349522047_230132089758713_58013670943934

350459747_707045067842065_70989471558783

349853367_184185897935094_72802407082778

349181946_1191270851529015_7385086795108

349564669_153591527577843_24033684774653

349365158_808129260677935_59953782566208

350104820_553107450322003_59352962314531

349999276_267582159159639_25927768878937

349628841_756248186204037_51189713708951

349831630_793512452112011_54507855698131

349989345_526628916347465_43729341818977

349542309_1346671782585892_9105938392797

The post Kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xarunta BF ka hor furitaanka kalfadhigga berri appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this