Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil gaadhi oo naxdin badan oo xalay ka dhacay dulleedka Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha unaxariisto Haybe Axmed Yuusuf oo ku Geeriyooday shil gaadhi.

Shalay ayuu marxuumku kasoo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa isagoo usoo bohol yoobay wadankiisii hooyo oo uu muddo ka maqnaa.

Gaadhigiisii lagaga soo qaaday Hargeysa ayaa shil gaadhi oo naxdin badan xalay kula galay Wadada Berbera isagoo usii jeeday Magaaladiisii Burco, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiilkiisii Axmed Alle Caafimaad hasiiyee.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay geerida Alle ha u naxariisto marxuun Haybe Axmed Yuusuf

“Alle ha u naxariisto Marxuum Haybe Axmed Yuusuf oo ku geeryooday shil baabuur oo uu ku galay aagga magaalada Berbera. Geeridan naxdinta leh waxa aan uga tacsiyaynayaa dhammaan qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka. Marxuumku wuxu ahaa shakhsi samadoon ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa.

Waxa aan Ilaahay uga baryayaa Marxuumka dambidhaaf iyo naxariis waasac ah, waxaanan u weydiinaynnaa inuu ka abaaliyo wanaaggii iyo samihii uu ummaddiisa u galay. Si gaar ah, dhammaan ehelka iyo qaraabadana waxa aan Ilaahay ugu weydinayaa Sabir iyo Iimaan saadiq ah.

إنا لله وإنا إليه راجعون”

FB_IMG_1685255418807.jpg FB_IMG_1685255408849.jpg FB_IMG_1685255397321-1.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this