Sign in to follow this  
Deeq A.

Saudia Arabia oo amaawiir cusub ku soo rogtay xujayda sanadkan 2023 soo gudaneysa Acmaasha Xajka

Recommended Posts

Deeq A.   

Saudia Arabia oo amaawiir cusub ku soo rogtay xujayda sanadkan 2023 soo gudaneysa Acmaasha Xajka

haj-1.jpg

Sacuudiga ayaa shuruuc cusub ka soo saaray imaanshaha dalkaas waxayna dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay waxyaabaha mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegtay in xujeyda kaash ahaan u sita lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay dowladda ogeysiiyaan.

“Fadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada SA” ayaa lagu yidhi Farriin ay Wasaaradda Xajku soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan, waxyaabo ay ka mid yihiin Lacag ka badan SR60,000, Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000, allaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000, qaadashada allaab mamnuuc ah, Inuu qofku sito baco ama alaab ka badan miisaanka la oggol yahay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciddii u hoggaansami weyda amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Sacuudiga ayaa Sanad walba taariikh iyo waqti go’an u qabata xilliga la tagayo Makkah inta Xajka lagu guda jiro, albaabada magaalada ayaa la xidhaa waxaana keliya loo oggolaadaa dadka haysta kaadhka aqoonsiga xaajiga iyo dadka cumreysanaya, si looga fogaado isbuurashada loona hubiyo bedqabka dadka gudanaya Xajka.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this