Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   
349796512_1537470566777703_5621630787576

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee kasoo socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo lagu gaaray heshiis isbeddel weyn ku sameynaya hanaanka dowladeed ee dalka. 

War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa waxaa qodobada ku xusun waxaa ka mid ah; in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaa sidoo kale ku xusan arrimaha amniga deyn caafinta, dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka Puntland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in lagu heshiiyey in nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare la beddelo, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in dalka laga hirgeliyo labo xisbi siyaasadeed, hal guddi doorasho qaran, iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda heer degmo, heer gobol iyo heer federaal, oo ay ku jirto gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in muddo sanad ah lagu kordhiyo muddo xieedlka maamul goboleedyada, islamarkaana doorashooyinka madaxweynayaashooda la qabto November 2024.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in sanad lagu kordhiyo muddo xileedka hay’adaha federaalka balse loo dhaafo go’aankiisa baarlamanka federaalka, oo dhowr bil ka hor guddi u saaray arrintaas. 

Waxaa xusid mudan in qodobada qaarkood ay u baahan yihiin in waxa laga beddelo dastuurka federaalka, taasi oo ay adag tahay.  

Heshiiska doorashooyinka ayaan faah-faahintiisa lagu xusin war-murtiyeedka, balse wuxuu kusoo baxay dokumenti gaar ah, kaasi oo dhowaan aan idinla soo wadaagi doonno, hadduu Eebe raali ka noqdo.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka
350010839_799600048007060_26741940243660 350107546_1946735839044109_7242799336174 349892229_766299015172844_17493155434464 350105954_200381472933687_28707096896359 350015680_791039679045143_79531478468258

The post War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this