Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Aqriso heshiiska hanaanka doorashoyinka dalka oo faah-faahsan

Recommended Posts

Deeq A.   
349796512_1537470566777703_5621630787576

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loonavdardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uuvqaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soo dooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024.

Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod
oo shantii sanaba hal mar ah. Si loo mideeyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doonaan sida soo socota:

I. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa 30 June 2024.

II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doorashooda dhici doontaa 30 November 2024.

III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DXDF waxay doorashadooda dhici doontaa 30 November 2024.

Hoos ka aqriso heshiiska oo faah-faahsan
345042374_250837494203963_17572743340906 345475063_1718096265296931_7400739901146 345461734_6448082671921081_8444841192512 347142288_1405547726868273_1922035514634 346833483_953854919372814_25004506513789

The post DEG DEG: Aqriso heshiiska hanaanka doorashoyinka dalka oo faah-faahsan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this