Sign in to follow this  
Deeq A.

XAMZA oo ku biiray shirka Wadatashiga Qaranka iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
349796512_1537470566777703_5621630787576

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga maanta ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Shirka maanta ayaa waxaa kusoo biiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka soo laabtay Shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ee ku qabsoomay Sharm El Sheikh ee dalka Masar.

Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Fadhigii hore ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo ku biiray wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Waxaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howl-galka isku dhafka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howl-gal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

349181510_624653843029298_48872362342588 349796512_1537470566777703_5621630787576 350102716_777034380495805_64361108249818 348847609_612763084124226_44269487095581 349589122_774171260779561_82553813476003 349486948_784737879906663_18327251048690 349527444_801446478164670_25069470027641 349699594_6708834495833887_1255466834291 349313398_147396608328112_60086342736037 349157438_1303057743754425_5521108011403 349152361_6189623031090825_6577132463565

The post XAMZA oo ku biiray shirka Wadatashiga Qaranka iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this