Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday Hay’adda Bunyaan ee dalka Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1685197726279.jpg?resize=720%2C48

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday Hay’adda Bunyaan oo fadhigeedu yahay Kuwait kana shaqaysa Arrimaha bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa masuuliyiinta Hay’adda uga mahadceliyey Gar-gaar ah bini’aadanimo ee ay gaadhsiiyeen gobolka Sool, isaga oo ku booriyay inay sii dar-dar geliyaan shaqada ay ka wadaan Puntland.

Kulanka waxa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ugu danbayn Hay’adda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiisay Guddiga arimaha bini’aadantinimada Puntland u qaabilsan gobolka Sool iyo Mu’asasada Al-minhaaj oo gacan ka siiyay arrimaha Gar-gaarka.

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday Hay’adda Bunyaan ee dalka Kuwait appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this