Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Bushaaro Baandey oo loola cararay cisbitalka weyn ee Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalada  caafimaad ee wariye Bushaaro Cali Baandey oo in muddo ah ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa si aad ah looga dayrinayaa.

Wararka ay helayso Somalilandtoday ayaa sheegaya in  goor dhaweyd la geeyey cisbitalka weyn  ee Hargeysa.

Wariye Bushaaro Cali Baanday oo inta badan soo tabin jirtay warar ka dhan ah xukuumadda Madaxweynr Biixi balse waxa ay caan ku ahayd waddan jacayl, suxufiyad Bushaaro ayaa waxa laga soo xidhay magaalo xuduudka Wajaale oo ay qorshaynaysay inay dalka ka soo gasho, waxaana markiiba loo soo dhaadhiciyay magaalada Hargeysa.

Laba mar ayaa la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex iyada rumaan xabsi ku hayn ah loo soo jaray.

Dadka la socda xidhiga kiiska wariye Bushaaro ayaa codsanaya in damaanad lagu sii daayo inta ay socoto dhagaysiga dacwadeedu.

Xisbiyadda mucaaridka ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqal insaanka ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo ururada warbaahinta, ururada siyaasadda qaarkood iyo wariyeyaasha maxada-bannaan ee Somaliland ayaa si isku mid ah u cambaareeyay xadhiga wariye Bushaaro Baanday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this